Madaxwaynahii Galmudug Oo Xilka Iska casilay.

Madaxwaynahii Maamul gobolleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa xilka iska casilay maanta, sidaas waxaa sheegtay wakaallada wararka Soomaaliya ee Sonna.

10 bishii Janaury ayay ahayd markii 54 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug sheegeen inay xilka ka qaadeen Cabdikariin Xuseen Guuleed, inkastoo u isagu gashaanka u daruuray.

4 June 2015 ayaa doorasho ka dhacday magaalada Cadaado loogu doortay Cabdikariin Xuseen Guuleed Madaxwaynaha Galmudug, kadib markuu helay 49 cod oo ka mid ah 89 Xildhibaan ee maamul gobolleedka Galmudug. 

Guuleed ayaa doorashada uga adkaaday Axmad Fiqi oo isagu hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya lagana yaabbo inuu booska ka beddelo Cabdikariin Guuleed  

Madaxwaynaha Galmudug ayaa muddooyinkan dambe la sheegay inay la soo derseen xanuuno, inkastoo u isagu ku adkaysanayay inuu shaqadiisa gudanayo, dhanka kale waxaa 21 bishan Muqdisho tegey hoggaamiyaha maamulka gobollada dhexe Shiikh Shaakir oo ay isku hayeen Guuleed dhinaca maamulka.

Yusufcali@hotmail.com 

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s