​In Ka Badan 20 Xubnood Oo DF Laga Dilay Doorashadii Farmaajo Kadib. (Warbixin)

February13, 2017  oo ku aadan afar maalmood uun kadib doorashadiisii ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay oday dhaqameed wax kasoo xulay xildhibaanada

Baarlamaanka DF ee laga keenay magaalada Cadaado.

Oday dhaqameedkan oo lagu magacaabi jiray Bashiir Xagaley ayaa waxaa lagu toogtay suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Khudaarta.
February15, 2017  waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho lagu dilay oday wax kasoo xulay xildhibaanada DF oo lagu magacaabi jiray Muuse Ilka-weyne.
February18, 2017  waxaa degmada Hodan ee magaalada Muqdisho lagu dilay Afhayeenkii hore ee Maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey, kaasoo mudooyinkii dambe wada shaqeyn la lahaa DF.
February18, 2017  waxaa Isgoyska Ceel-gaabta lagu weeraray taliye ku xigeenkii Bs-ta ninka lagu magacaabo Xassan Dheere.
February 21, 2017   waxaa degmada Xamar Jajab lagu toogtay oday dhaqameed lagu magacaabi jiray Cabdi Cumar Ibraahiim, waxaana la isla dhex marayay in dilkiisa uu ugu wacan yahay isagoo wax kasoo xulay baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed.
February 22, 2017  waxaa madaafiic lagu weeraray xaruntii hore ee ciidankii circa Soomaaliya, halkaasoo ay ka dhacaysay xaflad lagu caleema saarayay Farmaajo.
February 24, 2017  waxaa si fool-kafool ah loo toogtay askari ka tirsanaa ciidamada Bs-ta DF oo lagu magacaabi jiray Maxamad Cumar, kadib markii ay degmada Xamar jajab ku beegsadeen rag hubeysan.
February 25, 2017    waxaa magaalada Muqdisho lagu toogtay oday dhaqameed lagu magacaabi jiray Cusmaan Kheyrre oo kamid ahaa dadkii xildhibaanada kusoo doortay Gal-mudug.
February 26, 2017  waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho ka dhacay weerar si aad ah loo soo qorsheeyay oo lagu dilay sarkaal kamid ahaa shaqaalaha xafiiska Jawaari, horayna xildhibaan usoo noqday.
February 27, 2017  waxaa degmada Boondheere lagu weeraray mas’uul ka tirsanaa Bankiga dhexe ee DF oo lagu magacaabo Shire Dhagey, 
February 27, 2017  waxa kale oo dhacay weerar ay ku dhinteen tiro kamid ah askarta DF, kadib markii nawaaxiga Ex. Koontarool Afgooye loo dhigay gaari qarax laga buuxiyay.
February 28, 2017  waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay toogasho loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada Bs-ta DF, kaasoo lagu magacaabi jiray Mowliid Maxamad
February 28, 2017  waxay ahayd maalin ay dhacdooyinku badnaayeen, waxana askari kale oo ka tirsanaa ciidamada DF lagu dhaawacay isla xaafadda macallim Nuur ee degmada Dharkeenley. Askarigan ayaa lagu magacaabaa Mukhtaar Maxamuud Geelle.
February 28, 2017  waxa kale oo dhacay weerar lagu dilay mas’uul ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Af-leershe.
March 02, 2017  waxaa magaalada Baydhabo lagu dilay haweeney ka tirsanayd maamulka Shariif Xassan ee Koofur galbeed, kadib markii lagu weeraray xaafadda lagu magacaabo Mursal oo dhaqdhaqaaqeedu ku badnaa, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee magaalada Baydhabo.
March 04, 2017  waxaa dharaar cad weerar bambaano lagu qaaday maxkamadda darajada kowaad ee magaalada Boosaaso, halkaasoo khasaare aan la cayimin uu kasoo gaaray xubno ka tirsan maamulka Gaas ee Puntland.
March 06, 2017 waxaa howl gal abaabulan lagu dilay sarkaal ka tirsanaa DF kadib markii gurigiisa loogu galay, waxaana sarkaalkan lagu magacaabi jira Nuur Cali Isxaaq.
March 08, 2017 waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay gudoomiye laameed ka tirsanaa degmada Yaaqshiid, kadib markii si bareer ah loogu weeraray rasaas.
March 08, 2017  weerar kale oo toogasho ah ayaa ka dhacay degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Rag hubeysan ayaa beegsaday C/laahi Kabaweyne oo kamid ahaa ergadii xildhibaanadaku soo dooratay Galmudug.
March 08, 2017  waxaa dhaawac culus loo geystay xildhibaan ka tirsan maamulka Puntland oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Faarax Bootaan, kadib markii isagoo gaarigiisa wata lala beegsaday qarax xooggan.
March 09, 2017  waxaa degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Minishiibiyada DF, waxaana lagu magacaabi jiray Bashiir Maxamuud Maxamed.
March 08, 2017  weerar kale oo qarax loo adeegsaday ayaa ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaasoo lala beegsaday gudoomiyaha degmadaasi iyo ilaaladiisa. Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay labo kamid ah ilaalada gudoomiyaha, halka isaguna uu ku dhaawacmay.

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s