Farmaajo Muxuu ciidanka waxooda u siin waayey.
Waxaa la yidhi beentu lug bay leedahay haddii la qabtona waa kuftaa, Madaxweyne Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku celceliyey inuu ciidanka Mushahar siinayo iyo Xildhibaannada,
dad badan ayaa u riyaaqay iyagoo runta indhaha ka qarsanayey.
Dadka qaarkood baa ku doodayey in 4tii sanno ee dowladii hore aan la siin jirin xaqooda, haddaba Bishii Koobaad ee Febraayo keliya iyada oo la joogo ay u gadoodeen.
Waa beenti loo sheegay ee awal run baa loo sheegi jirey, waxaanay lacagtooda isku qaadan jireen 3 biloodba mar iyadoo laysku qanacsan yahay gunno iyo caafimaadna waa lahaayeen.
Dowladda Cusub ee hal bil gudaheed Ciidanku gadoodey ma kula tahay inay sanad joogteyn karto bixinta BIL GOOSADKA IYO GUNNADA CIIDANKA?
Farmaajo waxaa looga fadhiyaa inuu ciidanka waxooda faraha ka saaro.Farmaajo waxaa filayaa inuu balantii fuliyo, hadduu samayn waayo Fashil billowgiis dheh.
Soomaalidu yeelaysi mayso Been u sheeg, Runa u sheel, berina waxaan sugeynaa Xildhibaannada oo buuqaya oo leh 6 billood maanan qaadan mushahar.
Cabdikariin Galayr