​Maxaa ka jira in Cabdi Iley xilka laga qaadayo?

Waxaa maalmahan la isla dhex marayaa warar sheegaya in maadaama Oromadu ku adkaysatay in talaabo laga qaado Cabdi Iley oo huriyey colaad soomalida iyo Oromada ah oo dad badan ku dhinteen dawlada Federalku go’aansatay inay Cabdi badasho. 

Hadaba xogta rasmiga ah waxaa weeye:
1. Dawlad Federal wax la yidhaa majiro ee waxaa loolan ka dhaxeeyaa kooxda Talada haysa ee Tigreega oo wali jecel Cabdi Iley una arka in ayna helayn qof sidiisa ugu shaqeeya iyo Oromada talada dalka wax ku leh ee OPDO. Raisal Wasaaraha ayaa markaa labada dhinacba ku riixayaan inuu qaato go’aan ay raali ka yihiin.
2. Tigreega oo aan jecleeyn Madaxweynaha cusub ee Oromada Lemma Megersa waxay ciyaarayaan shax ah in hadii ay Cabdi badbaadin kari waayaan ay uga faa’iidaystaan fursadan inay is dhaafiyaan Madaxweynaha Oromadana. Sida darteed waxay u egtahay inay toodii meel marayso oo waxaa la sheegayaa labada Madaxweyne ku sheeg ba in lagu amray inay is casilaan. Warar ayaa sheegaya in Cabdi Iley ogolaaday; laakin ka Oromadu diidan yahay.
3. Arintaasi haday dhacdo Tigreega waxaa u qorsho ah inay Cabdi Iley u ogolaadaan inuu keeno ciddii badali lahayd. Waxaa kale oo suurtagal ah inay xil ka siiyaan dawalda dhexe. Hadii taasi dhacdo waxaa sii socon doonta tacadigii iyo xansuuqii isaga u gaar ka ahaa maadaama aan la filayn in is badal wayn lagu sameeyo siyaasadii deegaanka. Xansuuqa Tigreegu amreen isagu wuu iska sii socon ama Cabdi ha joogo ama yuuna joogine. Intii isagu uu ku darsan jiray unbaa is waydiin leh ma laga nasan doonaa hadii la badalo.
4. Waxaa kale oo suurtagal ah in Madaxweynaha Oromada is casilta la leeyahay tahay xujjo ama xeelad lagu badbaadinayo Iley. Taasi waxay dhici kartaa hadii Cabdi lagu yidhaa haduu diido isagu adiguna diid.
5. Isku soo wada duubo, shacabka la guumaysto ee Soomaliyeed uma soo muuqato naruuro loo hanqal taago inkasta oo Cabdi Iley oo la badalo laftigeegu neef wayn ka fujin doonto dadkan uu duleeystay. 
6. Waxaa shacabka la gudboon inayna ka war sugin wixii laga yeelayo Iley iyo intii kale ee meesha Tigreegu u keensadeen guumaadka iyo cadaadiska ee waa in ay cod dheer ku muujiyaan inay ka xun yihiin in dhiigoodii daadanayey mudo badan aan waxba loo arag kii Oromadana uu ka yimid is qabqabsi iyadoo taasi caddeyn u tahay sida Tigreegu u yaso ama u liido Soomalida la guumaysto.
7. Waxaa naxdin leh in dadkii wakhti iskaga luminayaan raadinta warar la xidhiidha Cabdi Iley xaaladiisa caafimaad iyo geeridiisa balse ayna ku mashquulsanayn muujinta iyo soo bandhigida xaaladooda noololeed, mida xuquuqul insaan iyo guumaysiga guud ee lagu hayo.
Xigasho AG

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s