Maxay yihiin kuwa aan xaqa la gaban….!!!!!! (الصادعون بالحق ).

Saaxada dacwo fidinta waxaa taariikhda kolkeey ku asteesneyd 2/4/2017 kusoo biirtay koox cusub.

Waxayna doonayaan in tartanka dacwo qeyb ka noqodan,jamacadan waxaa dhidibada

loogu aasay Dalka Masar sanadka marku ahaa 1974-tii sida ku xusan bayaanka kooxdan.

Waxaan waqti galiyey muuqal Somali iyo mid carabi ah oo ey kooxdan soo dhigtay barta YouTube ku leeyihiin,kooxdu waxay ku doodayan in ey umadaan u baahan tahay in la badbaadiyo xaqana la tuso,iyagoo taa u maraya wadiiqoyin sax ahi dadkuna afkaartood aanu ku qasbeyn.

Marka aad daawato labada muuqaal waxaa kusoo baxaya in waqti iyo maskax lasoo galiyey risaalada ey soo bandhigayaan,xitaa goobtu,labiska iyo waliba fadhigu isaga mid yihiin.

Jamaaca diimeedan waxay xanbaarsan yihiin fikradaha iyo fahamka xun ee takfiirka,waxaana horboodaya dad aqoonyahano iyo ganacsato ah caanse ka ah dhulka Soomaaliya oo idil.

Kooxdan waxaa xubno ka ah dalal ey ka mid yihiin Masar, Soomaaliya, Libiya iyo Wadanka kuwait.
Maxaa xiligaan kusoo beegay? Dowlada kaalin intee la eg baa kaga adan? waa maxay go’aanka iyo aragtida Culumada Soomaaliyeed ee ku adan kooxdan?shacabkuse sidee u arkaan?

W/Q: Amb Ahmed Abdulahi Yusuf

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s