Wariye Kalgacal oo si gardaro ah muddo bil ah ugu xiran shirkadda isgaarsiinta Hormuud!

Shabakadda Caasimadda Online ayaa baaritaan ay sameeysay ku ogaatay cidda ka dambeysa xarigga gardarada ah ee lagula dhaqaaqay wariyaha Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Cabdullaahi Muuse Kalgacal kaasoo muddo bil ah xiran.

Baaritaan dheer kadib oo ay sameysay Shabakadda Caasimadda Online waxay soo ogaatay inuu Kalgacal u xiran yahay Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ooah shirkadda ugu awoodda badan Soomaaliya.

Shirkadda Hormuud oo adeegsaneyso shaqsiyaad ka tirsan xarunta dambi baarista CID oo ay lacag siisay ayaa 28 bishii hore xirtay wariyahaan oo xilligaas ku sugnaa guriga hooyooyinka.

Sababta loo heysto weriye Kalgacal ayaa lagu sheegay inay soo dacweysay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, taasoo ka cabatay warar uu ka qoray, waxaana ay awooddeeda u maaliyadeed ay u adeegsatay in weriyahan xabsiga la dhigo.

Arrimaha la yaabka leh ayaa noqotay inaan wax maxkamad ah la soo taagin, isla markaana aan la araag, lana maqlin cid u doodeysa ama soo hadal qaadeysa, oo ay ku jiraan Warbaahinta Muqdisho iyo ururrada sheegta inay u doodaan xuquuqda saxafiyiinta.

Shirkadda Hormuud ayaa inta badan warbaahinta aysan waxba ka qori karin, ayada qaarkood siisa xayeysiimo, qaarna ay ka baqayaan inay adeegeeda internet-ka ka mamnuuci doonto in laga soo booqdo website-yada, hadidi ay arrimahan oo kale ay ka hadlaan.

Arrintan ayaa keentay in muddo ku dhow bil, oo uu xiran yahay mid ka mid ah weriyayaasha ugu caansan Soomaaliya, haddana aysan jirin cid ka hadasha.
Caasimadda Online. 

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s