MADAXWAYNE MAXAMAD FARMAAJO, RAJADII LAGA LAHAA RAADKEED MA LEEYAHAY?.

Waqti isaga dhumin maayo inaan ka sheekeeyo sidii loo taageersanaa iyo siduu kusoo baxay midna, balse waxaan diiradda saarayaa laba qodob oo kala ah; Muxuu shacabka iyo baarlamaanka ka ballan qaaday? Iyo Maxaase ballantaas ka beenoobay?.
Maxaa ka qabsoomay ma oranayo waayo maba arko wax qabsoomay.

BALLAN QAADYADII MD FARMAAJO EE LOO BOGAY.

MCFarmaajo ayaa markuu madaxtinimada dalka u taagnaa baarlamaanka hortiisa ka jeediyay ballan qaadyo aad loogu bogay oo ay ugu muhiimsanaayeen:-
▶ Yaraynta safarrada madaxdu dibadda ugu baxaan, si loo yareeyo dhaqaalaha safarka iyo hotelada ku baxa.
▶ in is baddelka uu doonayo uusan noqon doonin nin baddelay nin kale ee uu yahay is baddelka dhaqan siyaasadeedka dalka.
▶ Dhisidda ciidan qaran oo hanan kara ammaanka iyo difaaca dalka iyo dadka soomaaliyeed.
▶ La dagaalanka musuqmaasuqa iyo wax is daba marinta.

Abaabulkiisa oo ahaa mid aad u sarreeya, shacabkii badnaa ee taageersanaa iyo ballan qaadkiisa oo ahaa mid haddii laga dhabeeyo daawayn lahaa, boogo aad u fara badan oo ku dulyiil dowladnimada soomaaliya iyo nacaybkii mugga lahaa ee loo qabay madaxweynihii asaga ka horreeyay Mudane Xasan Shiikh Maxammuud ayaa sahashay in madaxweyne Maxammad C/laahi Farmaajo uu noqdo madaxweynihii 9aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

MAXAA KA BEENOOBAY BALLAN QAADYADIISII?.

➡ Qodobka koowaad ee safarrada ku saabsan madaxweynuhu waa ku dhacay maxaa yeelay Maalinkii caleemo saarka loo sameeyay maalinkii xigay ayuu billaabay safarradii uu dhaleecaynayey maalintii uu musharraxa ahaa.
Maalinkii uu baarlamaanka hadalka ka jeedinayey wuxuu yiri [wasaarad arrimaha dibadda ah ayaa jirta ayada ayaana loo baahan yahay inay socoto ee maahan in madaxweynuhu uu bishiiba Saddex jeer safar galo]! Balse markuu MCFarmaajo madaxweyne noqday, laga billaabo 24/02/2017 illaa 28/03/2017 oo ah muddo 32 maalmood ah madaxweynuhu wuxuu galay saddex safar oo is daba joog ah, soo kaas bil gudeheed saddexda mar safray maahan muxuu baddelay?

➡ Qodobka labaad ku saabsan baddelidda dhaqan siyaasadeedka dalka, asna ma muuqdaan wax laga baddelay haddaanba laga sii darin oo wixii hore u qaldanaa aan lasii laba iyo saddex jibbaarin.
➡ Qodobka saddexaad; Dhisiddii ciidammada qaranku waxay isku baddeshay ”Dhisidda ciidammada maamul goboleedyada” maxaa yeelay madaxweynuhu wuxuu shirkii asaga iyo madaxda maamul goboleedyadu ay xamar ku yeesheen ku saxiixay qorshaha reer galbeedku ay wataan ee aadka u qaabka daran, kaas oo ka hor imaanaya in la sameeyo ciidamo uu qaranka soomaaliyeed leeyahay oo isku dhafan balse taas baddelkeeda ay beelkasta {maamul goboleed} gooni u yeelanayso ciidamo milatari ah oo aad u taba baran tiradooduna ay gaarayso saddex kun oo askari, waxaana waajibkooda koobaad laga dhigayaa hadday suura gasho, inay xuduudaha maamul gobolkeedkooda ka ilaalshaan maamullada kale ee la deriska ah!.
➡ Qodobka afaraad; La dagaalanka musuq maasuqu waa arrin dhibaato aad u fara badan ku haysa horey u socodka dowladnimada soomaaliyeed, una baahan la dagaalan dhab ah oo lagu suulinayo.
Shacbiga soomaaliyeed iyo caalamka oo aad u dhibsaday musuqa soomaaliya la degay darted ayaa ballanqaadkii madaxweynaha ee ahaa ka hortagga wax is daba marinta rajo aad u weyn looga qabay.
Inkastoo dowladdaan ay wax saddex bilood kayar xilka hayso oo aan lagula soo degdegi Karin inaysan arrinta musuqa waxba ka qaban haddana, waxaa jirta shaki ah in dowladda lafteedu musuqii ay la dagaalami lahayd dhexda u fariisatay oo howlaha dowladda uu musuqu tiirdhexaad u yahay, waxyaalaha in musuq lagu socod siiyay looga shakisan yahay waxaa kamid ah;
▶Ansixintii golaha wasiirrada oo meelmarintooda kahor 105 xildhibaan ay muujiyeen siday u diiddan yihiin soona jeediyeen in wax laga baddalo golaha, balse maalmo kadib cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay ayadoo aan haba yaraatee waxba laga baddelin wasiirradii ay shalay diiddanaayeen. Maxaa lagu qanciyay xildhibaannadii 105ta xubnood gaarayey?
▶ Waxaa dad badani aad ula yaabeen markuu madaxweynuhu lacago loogu yaboohayey dadka ay abaaruhu dhibaateeyeen ku darsaday lacag soddon kun oo dollar ah {$30,000}, lacagtaasoo uu usoo dhiibay RW Xasan Cali Khayrre, Khayrre ayaa guddiga abaaraha ka hor sheegay in madaxweynuhu lacagtaan kasoo aqoolay xoogaa lacag ah oo uu hadiyad ahaan u helay!!!.
yaaah???
Yaa madaxweynaha siiyay lacagtaas hadiyadda ah?
Sharcigu yuu siinayaa lacagta madaxweynaha hadiyad ahaanta loogu keeno inta uu xilka qaranka hayo?
kaba soo qaad inuusan jirin sharci hadiyadda madaxweynaha loo keeno ka dhigaya hanti qaran, ee haddii qolada lacagtaas bixisay ay yihiin ganacsato, waa maxay sababta ku kalliftay in ganacde aan canshuurta qaranka toos u bixin uu madaxweynaha hadiyad KAASH ah siiyo???.
jawaabta adigaan kuu dhaafay, balse ma arko musuq lala dagaalamayo ee waxaan arkaa mid hor leh oo la limayo beerihiisa.

W/Q:- Bashiir Cali Barre.

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s