Doorashada Galmudug Oo Dib Loo DHigay Ilaa Arbacada.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Galmudug Maxamad Xassan Geelle ayaa sheegay in dib loo dhigay doorashadii madaxtinimada maamul gobolleedka Galmudug tan iyo saddexda bisha Maajo oo ku beegan Arbacada soo socoto.

Maanta ayaa la filayay in saddexda musharrax ee madaxtinimada Galmudug u tartamaya ay khudbado ka jeediyaan baarlamaanka Galmudug, balse guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in musharraxiintu kowda bisha Maajo jeedin doonan khudbadahooda.

Doorashada Galmudug ayaa waxaa u sharraxan saddexda musharrax ee kala ah Axmad Ducaale Geelle Xaaf, Aqoonyahan Cabdiqaadir SHirwac iyo Axmad SHariif Hilowle.

Madaxweynaha Galmudug ayaa doorashadiisu kusoo beegmaysa iyadoo u burburay wada-hadalkii u dhaxeeyey maamulka Galmudug iyo cullimo awdiinka Ahlusunna Waljameeca oo iyagu maamula magaalada Dhuusamareeb.

Sirqarsoon@gmail.com