​Farmaajo oo u aqoonsaday  deegaanka Soomaaligalbeed inay itoobiya leedahay?!

Markii uu tegay Madaxweynihii hore  Xasan Sheekh Maxamuud   Magaalada jigjiga ee ka dhaanteeyey,  ayaan  ka falceliyey waxaanan qoraalkaas ku sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud Hanneeyey oo hibbeeyey  Soomaaligalbeed,  halgankii soo jireenka ahaana Halgaaday.
Talaabo kasta oo Madaxweyne  qaaddo  waa tilmaan iyo Taariikh beri ku hor taagan.

 Ka qabashada waraaqaha  Ergay Soomaali ah oo magac itoobiyaan wataa  waa in  uu ogolaaday Farmaajo in Soomaaligalbeed iyo dadkeedu yihiin ITOOBIYAAN.
Saaxiibkey Cali Yare Cali  ayaa anagoo kaftamayna igu yidhi”  Haddaad  doonaysey Hoggaamiye itoobiya neceb waa FARMAAJO, Haddaad  Farmaajo diidana waxaad jeceshahahay  Itoobiya?”
Waxaan idhi Farmaajo waxba kama duwana  hoggaamiyayaasha Soomaalida kale   waxaana laga yaabaa inuu noqdo mid ka liita  xitaa  Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed  Geedi oo  ciidan itoobiyaan ah keensaday,  waayo laba arrimood oo uu ku caan yahay Farmaajo,  XUKUN JACAYL IYO FAAN JACAYL.
Haddaba BAKHTIGA MA CUNEE  FUUDKIISAAN CABAA,  itoobiya ayuu u aqoonsan yahay SOOMAALI GALBEED ayuu igu yidhi saaxiibkay Cali Yare Cali  bal magac haygu bixiyo,  Wiilkan  Soomaaliga ah  FARMAAJO muxuu u aqoonsan yahay?  SOMALI? SOMALI ETHOPIAN?
Been waad sheegi kartaa,  waad booteyn kartaa,  wax kastana  Brobagando waad ka dhigi kartaa, balse  indhaha dadka iyo waayaha lama beddeli karo oo waxaa mar walba  imanaysa  xaqiiqada.
Aniga waa isugu kay mid wiilka  Keenyaatiga sheegta ee Soomaaliga ah iyo kan Itoobiyaanka sheegta ee Soomaaliga ah waxaan u aqaana  DABAQOODHI IYO DABADHILIF, kan ugu yeedha magacyada beenta ahna,  waa la mid.
Cabdiraxiin H. Galayr.

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s