Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Oo Dil Ugu Hanjabay Wariyeyaasha

Gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta Somaaliyed Cabdiqani Siciid Carab ayaan ugu tegey xafiiskiisa Xamar oo ku yaal degmada Waaberi, waxa ila socday Wariye Adam Abram Shawqi.

Isbarasho kadib Cabdiqani Siciid Carab Wuxuu iiga sheekeyay ceeb iyo dhaqan xumo uu ku arkay warbaahinta Muqdisho 

Aniga oo ka xun dhegeysiga sheekadaas ayaan hadana qaatay in aanan difaacin oo aan dhegeysto, marka uu dhammeeysto ayaan rabay wixii aan dhihi karo in aan u sheego.

Dhammaadkii sheekadiisa ayuu ku soo xiray jumlad ilaa iyo maanta aanan illaawin halmar.

Waxa uu yiri: “Warbaahinta qaarkeed waxa ay rabaan in lacag lagu siiyo tabinta ciyaaraha dalka, sidaas awgeed waxa ay ku xadgudbayaan xiriirka kubbadda Cagta, aniga ayay mar mar si shaqsi ah wax iiga sheegayaan”…

“Maanta dilka waxba ma aha, waxa aan awoodaa in aan qof siiyo $100 kun oo dollar, si loo qaarajiyo kan weriyaha sheeganaya ee nagu weeraraya warbahinta”

“aan kuu raaciyo, Qaarkood ayaan hadda laaluushaa, website iyo idaacado ayay u adeegsadaan xadgudubkaas”. 

Aad ayaan u fiiriyey marka uu halkaas marsiinayo, wixii aan dhihi lahaana waan iska daayay, waxaan eegay saaxiibkey Adam Abram Shawqi

Guddoomiye Cabdiqani markii uu sheekadii dhammeeyey ayna ii muuqato in aanay jirin sabab aan ula sii wado, ayaan ku iri, aniga oo naxsan…

“Waa mahadsan tahay Guddoomiye, Waxaan ka xumahay in markii iigu horeysay ee aan kula kulmo aad iiga sheekeyso hab cusub oo ku saabsan sheekooyinka hororka ah ee dilka shaqaalaha warbaahinta”.

Marka uu guddoomiyaha xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya sidaas uu hadlayo, Maxaa laga filan karaa Xulka qaranka Somaliya ?

Xulka Soomaaliya 18 kulan ee ugu dambeeysay waxaa laga badiyay 17 jeer, hal jeer oo kaliya ayaan bareejo helnay, 59 gool ayaa nagala dhaliyay 😭😭

Gudoomiye Dilka qofka Soomaaliya u adeegsanaya 100 Kun oo Doolar? Dhibaatada Xulka qaranka Soomaaliya waa maxay?

Xuquuqda Qoraalka:- Ingineer Axmed Guutaale

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s