Garaad Saleebaan ”Annigu Nin Ragga Maahi”

Mid ka mid ah odayaasha gobolka Sool oo dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee xurunta maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegay hadal dad badan ka yaabiyay oo ay ka muuqato aqoon la’aan  iyo weliba qabyaalad aan loo meel deyin.

Wuxuu sheegay in qabiilka Isaaqu caddow yahay, sidoo kale u ku faano qabiilka Harti Daarood ee u ka dhashay isagoo arrimaha ka hadlayaa ayaa wuxuu yidhi:

“Annigu nin ragga maahi oo sidaad ii faanfaaninaysan maahi laakiin midbaan aqaan nin waliba ninka u iga xigo baan aqaan ee anigu ragganimo kale ma lihi, laakiin anigoo nin Harti ah oo Daarood ah yaa nin kale ka dhiga kumana seexdo kumana soo toos. Waayo meel kaloon u guura waa cadow, cadowna anigu ma jecli mana rabo mana arki karo… Laascanood waxay ku dambaysay subaxii la soo galay ayaa igu dambaysay mana tegin mana tegi doono .

Nimanba igu yimid Abuu Dabay oo Soomaalilaan ahoo anigoo marka sariir jiifa waxay yiraahdeen waa isku ka sawirayna waxaan idhi isku kay sawiri maysaan.

Waxa ii yimid madaxwaynaha “Horjoogaha Puntland ayuu ka wodda” waana isku kay sawiray, waxay yiraahdeen qolada Puntlanba waa isku sawirta ee maxaad nagu diiddaysa, waxaan idhi Puntland waa annaga aniga ka soo qaad, mid kale idiinku ‘Somaliland’ Soomaali ma tihidiin ee annagu Soomaalibaanba nahay. Marka waxaas marka laga soo gudbo anigu raganimana ma lihi nin ilbaxana maahi laakiin ninkaan ahay ayaan aqaana.

Horta amaan intaasa igu dhan ninkaan ahay ayaan aqaana, nin kale uma guuxo uma boholyoobo, ma jecli, wax kama sugo, wax kama qaato.. waa la ii sheegay lacagbaan ku sidna qaadan maayo ayaan idhi walle iyo bille” sidaas waxaa yidhi Garaad Saleebaan Garaad Maxamad.

 

Garaadkan ayaa ka soo noqday dalka Imaaratka Carabta oo lug looga gooyay, wuxuuna ka mid aha odayaashii wax ka aasaasay Puntland. dad badan ayaa iswaydiin haddiiba u odaygani ka mid ahaa asaasayaashii Puntland tollow siduu u egyahay maamul u Asaaskiisa qayb ku lahaa,

 

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s