Madaxwayne Farmaajo iscasil

Madaxwayne Farmajo sooma aadan saarin wareegta aad ku adkeyneyso xil ka qadistii uu RW Khayrre ku sameeyay mareeyihi garoonka Aadan Cadde,sidoo kale amar lagu xirayo sooma aadan soo saarin mid ka mid ah wadayaashaadii gaariga dul marsiiyay Tahliil Hubbane,waxaadna isku dayday adiga

Shakhsiyan lacag aad jeebka dowladda ka bixisay in aad ku aamusiso reerka uu ka soo jeedo Marxuum Hubbane…

Ma jirto cid diidan in cadaaladda waxay qabto lagu fuliyo askarti dishay Wasiir Cabaas Siraj AHUR iyo cid kasto oo gacan ku yeelato dilkaas, laakiin haddii cadaaladda aad ka dhigto mid aad jeebka kala soo baxeyso waqtigaad rabto, kuna fuliso qofka aad rabto oo aanan kuugu reer ahayn waxay cadaw ku tahay cadaalad ka shaqeyso dalka iyo helitaanka dowlad wanaag..
waxaan aad ula yaabay in aad maanta wareegta ku aqbashay xilka ka qadistii Mareeyaha Hantidhawrka Qaranka oo weliba ay sharci-yaqaanka leeyihiin in ku dhaqaaqista falkaas uunan kuu ogalaaneyn dastuurka dalka u yaal,isla markaasna aad horay uga gaabsatay ina adeerkaa General Cabdi Ashkir kolki uu diiday amarka RW Khayrre in aad soo saarto wareegto aad amarkiisa ku adkeyneyso..

Dhacdadan iyo dilka AHUR Wasiir Siraaj wuxuu banaanka soo dhigay in aad tahay QABIILAYSTE weyn oo aan ixtiraam u heyn sharciyada dalka u yaal…iska daaye,lagaana sugimaa in aad isku doonto,heshiisna aad dhex dhigto dad kala firdhaday.dagaala sukeeyana ay aafeeyeen…

Waxaan kuu soo jeedinayaa in aad xilka iska casisho haddii ay mar uun dhab kaa ahayd in dalkaan uu helo dowlad wanaagsan oo aan dadkeeda dhib hor leh ugu darin,isla markaasna aan dalkan iyo dadkiisa mar kale u horseedin burbur nidaam oo mar kale yimaado…Ilaahey nooma keenee $$
100 maalmood ka yar waxaa cadaatay in xukuumaadaad la timid iyo adiga tihiin Hooyadi iyo Aabbihi Musuqmaasuqa iyo Fasaad qorsheysan..

Xigasho: Abdallah Moallim.

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s