Xildhibaan Ka Tirsan Maamulka Somaliland Oo U Ololeeya Gumaysiga Oo Ilaaway In Beelaha Duulbahaante Iyo Warsangeli Yihiin Daarood

Maxamad Maxamuud Yaasiin oo lagu naanayso DHeeg wuxuu ka mid yahay xildhibaanada golaha guurtida ee Soomaalilaan, waa nin mar kasta ku celceliya Soomaali wayn ma midoobi karto una ololeeya gumaysiga ummada Soomaalida

Shirwaynahii urur gobolleedka IGAD ee lagu qabtay magaalada Muqdisho sanadkii hore isagoo ka hadlaya DHeeg wuxuu yidhi ”Waxaa fiicnan lahayd inay fahmaan IGAD Soomaaliwayn haddaad maqasho waxaa weeye ma ictiraafsanin xuduudahii mustacmarku uga tegey Afrika, ma garanayaan inay sheegayaan inay ku jiraan Ogadeeniya iyo NFD inay ku jiraan Soomaaliwaynta inay ku jiraan ma fahansana, Waxaan jeclaan lahaa inay fahmaan labada dowladdood nimankan isha isugu nabaya iminka ee ay garka ka hayaan ee kaarayaasha ay ku ilaalinayaan inay yihiin, nimanka Soomaali wayntan doonaya ee doonaya dalalkan ay haystan ee Soomaalida, waxaan leeyahay waxay amuusan yihiin intay Soomaalilaan ka maqan tahay hadday ku guulaystaan Soomaalilaan inay la midowdo ha u diyaar garooban weerarkii ku dhacay Itoobiya 77-kii oo kale oo ah dalalkayagii maqnaaban doonayna, waxaan leeyahay ha ka faa’iidaystaan annaga faa’iidada noogu jirta ictiraafkayaga,, faa’iidada iyaga ugu jirta ka badana ha gartaan…”’

Mar labaad isagoo maanta ka hadlaya safarkii madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaanjo ku tegey magaalada Addis Ababa iyo hadalkii ra’iisul wasaaraha Itoobiya ee ahaa inay ixtiramayaan midnimada Soomaaliya wuxuu yidhi DHeeg ”Waxaan maqlayay hadal aan Itoobiya aad ugula yaabbay oo u ku khiyaanaynayo Farmaanjo u yidhi midnimada Soomaaliya inay muqadis tahay noo ogow, markaa ma wuxuu ilowsan yahay ra’iisul wasaaraha Itoobiya midnimada Soomaaliyeed inay kilinka shanaad ku jirto, midnimada Soomaaliya kilinka shanaadba ku jira oo NFD ayaa ku jirta oo annaga ku jirna. Wuxuu moodaya inuu Soomaalilaan oo qura ula jeeda buu moodaya ulama jeedo haddanu labadayadu isku biirana, oo aanu ku biiro Xamara, 77-kii ninkii soo qaaday dagaalka ayaa u adeera ninkan, ummada kilinka shanaad degganina waa reerkoodii ‘Daarood’…. bal hadda eeg, waxaan u sheegaya Itoobiya fursadaha hor yaacaya ee hor socda hadday ka faa’iidaysan waydo iyada khasaare ku qabta”.

Ninkan xildhibaanka sheegan hadalkiisa waxaa ka mid ah inuu doonayo inaan Soomaalidu gumaysiga ka hoos bixin, sidoo kale wuxuu aaminsan yahay xuduudahii gumaystahu u kala sameeyey dadyowga Soomaaliyeed.

Intaas marka laga yimaado waxaa hadalkiisa ku jira ”kilinka shanaad Daarood oo madaxweyne Farmaanjo ka dhashay ayaa deggan” bal waa su’aale Sool, Sanaag iyo Buuhoodle/Togdheer dadka deggani waayo? ma Isaaqba?.

Wuxuu kale oo sheegay in Soomaaliya kala goynteedu faa’iido wayni ugu jirto Itoobiya, Kenya Iwm, taasi waa xaqiiqo oo in Soomaali kala qaybsanto waa faa’iido wayn oo cadowga ummadu helay, balse waxaa su’aal ah beesha Isaaq maxay ka faa’iidayaan Soomaali oo kala go’da? waxaan filayaa wuxuu u xiiso qaba Koonfurta Suudaan inay Waqooyi Galbeed noqoto.

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s