Ma la joojin karaa tahriibka?

Haa, waase goorma?

Tahriibka dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalalka Afrika, Carabaha, Yurub ama Maraykanka Iwm waa kuwa la joojin karo balse waa haddii la helo caddaalad iyo ammaan buuxa.

Soomaali badan waa ogsoon tahay dhibaatada tahriibta khatarta ka horraysa waana kuwa u bareeray dhibtaasi madama ay hayso dhibaato ka wayn middaasi, dadka ugu badan ee u tahriiba dalalka galbeedka ayaa u badan kuwa ka yimid deegaannada nabadda ah tusaale: Puntland, Somaliland iyo Soomaali Galbeed oo gumaysiga Itoobiya ku jirta, sidoo kale waxaa jira tiro yar oo ka timid Jubbaland, gobollada dhexe iyo Banaadir.

Inta badan dhallinyaradu waxay ka cararayaan maamul xumo, shaqo iyo waxbarasho la’aan, sidoo kale waxay qaarkood ku sheegayaan marka aad waraysato in cunsuriyad qabiil, niyad jab iyo eex qabyaaladdeed ay dalka uga tegayaan, qaar kalena waxay ku sheegin in kuwii ay saaxiibada ahayeen Yurub ama Maraykan tegey dalka ku soo laabteen shaqooyin iyo xilalna lagu sharfay iyagoo dalkooda aan ka tegina aysan tixgelin helin.

Waxaa jira oo kale dad ladan dhibaatana aan qabin dalkana ka cararaya haddii aad waraysatana waxay ku sheegayaan inay rabaan sharci shisheeya oo ay ku safraan, qaar badan oo ganacsato, masuuliyiin maamul ama dad aqoonyahan ah ayaa guursan gabdho shisheeyaha ku nool si keliya sharciga ay u soo qaataan ama soo tahriibin xaasaskooda iyo caruurtooda iwm bal si ay mar uun sharci shisheeye u helaan. dabcan kuwaasi tiradooda ma yaraa, degdeg ayayna ku soo galaan qurbaha madama ay lacag badan haystaan dhibaato badana lama kulmaan.

Kooxaha wax tahriibiya iyagu ma kala yaqaniin qof lacag haysta iyo qof aan haysan waxbana kama gelin, waxay ka soo kaxeeyaan dhallinyarada gudaha dalka oo ay xafiisyo ku leeyahiin waxaana lacagaha dadka looga qaada marka la keeno Liibiya oo loo geeyo kooxaha Soomaalidu ku magcawdo Magaafe, kuwaas oo khasab ay tahay in lacagahooda la bixiyo mar haddii ilmahu gacanta u galeen.
Qoysaska qaar ayaa aqaladooda xaraasha ama qaraabadooda oo Yurub joogta qaraan waydiista, sidaasina ku bixiya lacagaha looga baahan yahay halka kuwa kale oo aan awoodddin ilmahooda lagu addoonsado dalka Liibiya mararka qaarna asxaabta ay la xiran yihiin u ururiyaan lacago oo laga sii daayo halkaasi.

Safarrada tahriibka ee Soomaalidu keliya maaha Liibiya, waxaa kale oo jira kuwa lagu aado Masar, Indoonisiya, Koonfurta Afrika, Yemen, Angoola, Sucuudi Caraabiya, Iiraan, Barasiil, Giriiga, Meksiko, Joorjiya, Ruushka iqkb laftigooduna ah kuwa naf halignimo ah.

Balse kan Liibiya waxaa caan ka dhigay waa midka ugu badan ee Soomaalidu Yurub ka gasho, dhibaatooyin aad u badan ayaana lagala kulma sida: Kufsi, jirdil, xubnaha qofka oo la iibsado haddii dhaqaale ama ehel loo waayo, dil iwm.

Xilligan Liibiya Soomaalida muuqaalo ayaa laga duubbaya marka ay lacagaha bixin waayaan, ogow inay jiraan gabdho ama wiilal muuqaal dhaqan xun laga duubtay qaarkood oo lagu iibsado boggaga faafiya galmada iwm ee Carabtu leedahay, sidoo kale dalka Koonfur Afrika Soomaalida tahriibka qaarkood Eey ayaa la siiya, halka inta badbaadana gudaha waddanka lagu dhex dilo si arxan darran mana joojiyaan inay dalkaasi tahriib ku galaan, dhinaca dalalka Yemen gabdhaha ama wiilasha Soomaalida qaarkood dadkooda reer miyiga ayaa xirta muddooyina ay u shaqeeyaan qaarkoodna addoonsadaan, waxaa jira gabdho badan oo addoonsi loo haystay muddooyin ilmana looga dhalay, Sucuudiga Soomaalida tahriibka ku gasha isagana aadba loo dhibaateeya qaarkoodna waaba la dila ama loo haysta qaab addoonsi ah illaa hadda.

Tahriibka dhallinyarada Soomaaliyeed haddii la doonaayo in la joojiyo waa in la helaa dowlad caddaalad, shaqo abuur, waxbarasho tayo leh iyo qabiilka odayga qawsaarka ahi la taagan yahay oo laga gudbo, balse inta la isku urursan tolnimada, eexda iyo musuqmaasuquna sidiisa u socdo, dhallinyaraduna aysan tixgelin helin ma filaayo in dhibaatadan laga bixi doonno,

 

Yusufcali@hotmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s