Heshiiska Dekedda Boosaaso.

Bishii Abriil ayuu horjooge Cabdiwali Gaas saxiixay waraaqaha shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Isutaga imaaratka carabtu la gashay maamul gobolleedka Puntland, kaas oo illaa hadda aan la hor keenin baarlamaanka Puntland iyo kan Soomaaliya midkoodna.

Haddaba heshiiskan ayaa waxaa ku jira qoddob dhigaya in muddo 30 soddon sanno ah aan wax deked ah laga dhisi karin: Laasqoray, Qandala, Raas Bina, Gunbaax, Baargaal, Caluula, Dhurbo, BandarBayla, Eyl.

Waxaa cajiiba in Garacad deked ay dowladda Itoobiya ka dhisan uusana saamayn doonin heshiiska Puntland la gashay DP World.
Magaalada Caluula ee gobolka Bari ayaa leh meel ay maraakiibtu ku soo kala jiireeyan karaan taas oo dowladda Imaaratku ka dagaallamayso madama ay suuqa ka saarayso dekeddaha Imaaratka haddii la deked laga dhiso.

Arrinta ayaa u muuqata cunaqabaatayn iyo dadka deegaannada ku nool horumarkooda mustaqbalka lagu horjoogsan.

Baarlamaanka Puntland ayaa u muuqda mid shirkadda DP world amuusin doonto, inkastoo aan la aqoon waxaa heshiiskan dowladda Soomaaliya ka yeelli doonto, inkastoo madaxweynaha Soomaaliya u dhowaan booqday dalka Imaaratka Carabta haddana lama ogsoona inuu arrimaha ku soo hadal qaaday iyo in kale.

Siyaasiyiinta heshiiskani deegaannadooda saamaynta ku yeellan doonno ee ku jira maamulka horjooge Cabdiwali Gaas ayaan la ogeyn waxay ka yeelli doonan arrintaasi.

Shirkadda laga leeyahay Isutaga Imaaratka Carabta ayaa qaadan doonta markay dhamaystirto dhismaha dekedda magaalada Boosaaso 60%, halka dowaldda Itoobiya heli doonto 15% faa’iido ah, maamulka Puntland ayaa isaguna heli doonna 25%.

Intaas waxaa dheer shirkadu shaqaalaheeda dhismaha dekedda iyo kuwa marka hawsha shaqo ee dekeddu billaabato ka hawlgelin intaaba iyada u madax banaan.

 

Yusuf Ali Adan

Yusufcali@hotmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s