Isbadelka Siyaasadeed ee Sucuudiga iyo Saameynta Gobolka

SHacabka Sucuudiga waxay ku soo tooseen isbadal cusub oo dalkooda ka dhacay, Kadib markii boqorka dalkaasi uu xilka dhaxalsugaha boqortooyada u magacaabay wiil uu isagu dhalay, wuxuuna xilka ka qaaday wiilka uu adeerka u yahay ee Maxmed Bin Nayef oo xilkaan hayay.


Go’aan boqortooyada soo saartay ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Maxamed Bin Naayif oo ahaa dhaxal sugaha(Ku-xigeenka boqorka) dalka Sucuudiga, laguna bedalay Maxamed Bin Salmaan oo ah ninka ugu saameynta badan siyaasadda dalkaasi. Maxamed Bin salmaan oo ah wiil uu dhalay boqorka dalka Sucuudiga boqor Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa  hore u ahaa dhaxal-sugaha 2aad, ahna wasiirka gaashaandhigga. Go’aanka ayaa dadweynaha wuxuu farayaa in ay Ballan-ogal la galaan dhaxal-sugaha cusub galabta arbacadda salaadda Taraawixda kadib. Dhanka kale dhaxalsugihii hore Maxamed Bin Nayif ayaa la arkayay isaga oo baycada la galaya dhaxalsugaha cusub ee Maxamed Bin Salmaan.










Maxaa arrintaan ku soo beegay xilligaan?


Ugu horeyn tilaabadan waxay ahayd mid la saadaalinayay, iyadoo waayadan danbe ay jiratay xuuraanta suurtagalnimada in uu isbedel siyaasadeed ku yimaado hanaanka maamulka ee dalkaasi, waxaana jiray warar hoose oo sheegayay loolan awoodeed iyo wadashaqeyn la’aan ka dhaxeysay muddooyonkii danbe dhaxalsugaha xilka laga qaaday iyo ninka hadda lagu badelay. Sidoo kale tilaabadani ma aha mid degdeg loo qaaday ee waa qorshe laga baaraandegay oo si xeeldheer loogu gogal-xaaray.


 Bilawgii sanaddii 2015ka, gaashaanbuur uu Sucuudigu hogaaminayo ayaa duulaan ku qaaday dalka Yemen, hawlgalkaan oo loo bixiyay”Duufaanta soo afmeeridda” ayaa mudda bil ah markii ay socotay si kadis ah u joogsatay, waxaana lagu waa bariistay xil ka qaadis lagu sameeyay mas’uuliyiin heer sare ah oo ay ka mid yihiin dhaxal-sugihii boqortooyada Migrin Bin Cabdicasiib iyo wasiirkii arrimaha dibadda Faysal Bin Cabdicasiis iyo rag badan oo taliska qoyska boqortooda ah oo intooda badan diidanaa hawgalkaan. Maamulkii iyo taladii siyaasadeed ee dalkuna waxa ay yeelatay waji cusub; iyada oo ka gudubtay habkii dumaasha ahaa ee jiilka kowaad (wiilasha uu dhalay boqorkii dalka asaasay) waxayna taladu u gudubay jiilka labaad oo ah wiilasha ay dhaleen ilma Cabdicasiis. Waxaana markii ugu horeeysay xilka dhaxalsuganimada loo magacaaabay Maxamed Bin Naayif oo ahaa wiil uu dhalay ina Cabdicasiis ku xigeenka labaadna waxaa noqday Maxamed Bin salmaan.  

Arrintani waxay u sii gogalxaartay talaabada uu haatan qaaday boqorka Sucuudigu oo ah in wiilkiisu uu garoonku sallaxmay; maxaayeelay waxay meesha ka saaratay xukun isku koobistii jiilka kowaad ee odayaasha ahaa, sidoo kalena waxay awoodo siyaasadeed oo dheeri ah siisay Maxamed Bin Salmaan si uu tartiib u la wareego arrimaha talada dalka.


Dhanka kale tallaabadan waxay ku soo beegmaysaa xilli xiisad diblomaasiyadeed ay ka jirto mandiqada khaliijka; taasoo ka dhalatay xiriir-goynta diblomaasiyadeed ee ay dalka Qadar ku sameeyeen qaar ka mid ah wadamada Gacanka Khaliijka iyo wadamo carbeed ee kale. Waxaana la filayaa kala aragti duwaanasho u dhaxeysa hogaanka siyaasadeed ee dalka Sucuudiga oo ku aadan arrinta Qadar in uu qeyb ka yahay xilkaqaadista dhaxalsugahii hore Maxamed Bin Naayif, oo isagu u janjeeray dhanka Qadar. Hayse yeeshee markii la isku soo wada xooriyo muhiimaddu waxay isugu biyoshubaneysaa hergalinta rabitaanka boqorka Sucuudigu oo doonaya inuu goobjooge ka ahaaado warasadiisu oo isaga xukunka kala wareegayso ka hor inta uu san xijaaban, si ay aysan u imaan markuu meesha baneeyo; is qabqabsi iyo loolan siyaasadeed oo meesha ka saari lahaa wiilkiisa maadaamo uu ahaa ku xigeenka labaad.

Sameynta ay Arrinta ku yeelanayso Siyaasadda Gobolka


Dhab ahaantii way adagtahay in la saadaaliyo habdhaqanka hogaamineed ee ay yeelanayso dawladda Sucuudiga ee soo socoto; habka ay ula dhaqmi doonto saaxiibadeeda gobolka iyo kuwa caalamka intuba. Ha yeeshee waxaa jirto arrin sugan oo aan mar waliba is badali doonin taasoo ah xurgufta Sucuudiga iyo Iraan u dhaxeysa oo la filayo in ay waji cusub yeelan doonto mustaqbalka, gaar ahaan markii la qiimeeyo habdhaqanka hogaanka cusub ee Sucuudiga yeelanayso oo ku tilmaan waaya-aragnimo la’aan siyaasadeed iyo salfudeyd. Dhinaca kale xiisadda ka dhex jirta wadamada khaliijka uma muuqaneyso in ay shamsaasi doonto maadaamo ay sii xoogeysanayso saameynta garabka ka dhanka ah Qadar oo ay hogaaninayaan Maxamed Bin Salmaanka Sucuudiga iyo Maxamed Bin Saayidka Imaaraadka.


Labadaan nin oo ah dhalinyaro ku cusub noolasha siyaasadda iyo luuqyadeeda ayaan iyagana la ogeyn sida ay uwada socon doonaan iyo mudada ay gaari doonto wadashaqeyntooda; iyada oo ay jiraan arrimo badan oo isku murugsan oo gobolka ah kuwaasoo u baahan in la iska kaashado; uguna horeeyso hawgalka Yemen oo meeshiisi taagan walina wax natiija ah laga gaarin, arrimaha Suuriya, xasillinta Liibiya iyo waliba dib u nabadenta guriga Khaliijka oo ay xiisada gudihiisa ka oogantahay



W/Q Adam Hussien 

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s