Al SHabaab Oo Soo Bandhigay Muuqaalka Axmad Cabdi Godane

Kooxda Al Shabaab ayaa markii u horreysay soo bandhigay muuqaal uu ku jiro Hoggaamiyihii hore Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaanay Mukhtaar Cabdiraxmaan Abuu Zubeyr, iyadoo muuqaalkan looga sheekeynayo taariikhdiisa nololeed.

Muuqaalkan la soo geliyay Youtube oo soconaya 1:24 ayaa waxaa lagu arkayaa Abuu Zubeyr oo xiran dhar madow, kuna hubeysan qoriga AK47, sidoo kale waxaa looga hadlayaa taariikhdii Islaamiyiinta Soomaaliya, laga soo bilaabo sagaashameeyadii iyo sida ay ku aas aasmeen iyo bilaabashadii Maxkamadihii Islaamiga.

Waxaa kaloo muuqaalka looga sheekeynayaa waxbarashadiisa dalka Pakistan iyo dagaaladii uu ka soo galay dalka Afghanistan. illaa soo laabashadiisii Hargeysa dhamaadkii sanadkii 1999 iyo imaanshihiisa Koofurta Soomaaliya sanadkii 2003-dii

Muuqaalkan ayaa lagu soo bandhigayaa dagaaladii ka dhacay Gedo sagaashameeyadii, sidoo kale waxaa looga sheekeynayaa dagaaladii ciidamadda Maraykanka iyo Jeneraal Ceydiid oo ay qeyb ka ahaayeen koox uu ka mid ahaa hoggaamiyahii ka horreeyey Abuu Zubayr ee Aadan Cayrow

Waa markii u horeysay ee muuqaal lagu arko wajiga Hoggaamiyihii hore ee Al-SHabaab Abuu Zubeyr, iyadoo aan wali lagu arkin fagaare ah, intii uu qeybta ka ahaa dagaaladii Al-SHabaab ka waday Soomaaliya, waxaa uu ahaa nin is qarin jiray.

Abuu Zubayr ayaa diyaaraddaha Maraykanku ku dileen duleedka magaalada Baraawe bishii Sipteember sannadkii 2014, muuqaalka kooxdu soo bandhigtay ayay uga sheekeyeen taariikhdiisi.

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s