Sedbursiga iyo saami qaybsiga Soomaaliya.

Hubaal waxaa ah markaad in badan oo bulshada ka mid ah, weliba dadka xog ogaalka ah, marka aad kala hadasho arrimaha sinnaan la’aanta iyo sedbursiga ka jira dalkeena inay markiiba dood indho la’ kaala hor imanayaan.

Waxaan hayaa xog ku saabsan sida loo qaybiyey HAL BILYAN lacag lagu sheegay oo gobollada iyo maamullada dalka xafiiska qaramada midoobey u qoondeeyey.

Hadda waxaan idinla wadaagaya sida ay ku baxday iyada oo qoraal ah, sidoo kale iyada oo muuqaal sawir ah, haddii aad u baahaton waxaad ka geli doonaa mareegta soo daabacdey ee Somalia Aid.

Saami qaybsiga maamullada.

Somaliland: 117. 306.156 $ (2017)
134. 762. 577 $(2016)
119. 241. 271 $(2015)

Wadar: 371.310.004 $

Puntland: 73.759.808 $(2017)
87. 315.777 $(2016
77. 520. 495.$ (2015)

Wadar: 238. 596. 080 $

Jubbaland: 47.587. 121 $(2017)
75. 430.195 $ ( 2016)
50.740. 274 $(2015)

Wadar: 173.757.590 $

K. Galbeed: 43. 471.486 $(2017)
75. 425. 427 $(2016
37. 632. 680 $(2015)

Wadar: 156.529.593 $

Hirshabeelle: 30.315.432 $(2017)
47. 152. 633 $(2016)
29. 799. 845 $(2015)

Wadar: 107.267.910 $

Galmudug: 17. 752.760 $(2017)
37. 310.626 $(2016)
25. 632. 471 $(2015)

Wadar:80. 695.857 $

Banaadir: 37. 450.545 $(2017)
52. 215. 288 $(2016)
51. 310. 331. $(2015)
Wadar: 140.976.164 $

Intaasi waa Saami qaybsiga maamullada dalka waxaana idiin soo gudbinayaa iyaga dhaqaalaha ku baxay xafiisyada dowladda dhexe iyo kuwa qaramada midoobey.

Saamiga dhaqaale ee dowladda dhexe iyo Xafiiska qaramada midoobey.

Dowladda dhexe: 66.489. 943 $(2017)
135. 406. 467 $(2016)
68. 03. 699 $(2015)

X. Q. midoobey: 78. 928. 854 $(2017)
121. 682. 507 $(2106)
103. 496. 047 $(2015)

Yaa qaatey dhaqaalaha ugu badan, Yaase ku qaday?

Weydiintan waxay warcelin u tahay dadka inta badan ku dooda in dhaqaalaha deeqaha la bixiya oo dhami ay ku baxaan Gobolka BANAADIR.

Marka laga hadlayo xuquuqda bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka BANAADIR ayaa waxaa laga dhigtaa gabaad iyo dhufeys, iyadoo lagu afwaajinayo qofka dhaqaalihii dalkuba wuxuu ku baxay caasimadda, YAA ARKAY, YAA MAQLAY.

Bal si togan u eeg shaxanka tirada ee hortaada yaal, halkeebuu ku baxaa dhaqaalaha dalka soo galay? Yaa ugu saami qaybsi badan? Yaa loo buriyey? yaase la qadiyey?

Marka laga yimaado in maamullada qaarna xaqoodii iyo ka badan laysugu daray, waxaa jirta in Maamulka gobolka banaadir ay u dheer tahay in laga qaaddo CASHUURTA keligood oo haddana lagu sii kabo gobollada sida hadda wax loo qaybiyey iyo kasii badana loogu kala buriyo.

Gobollada dalka iyadoo la ogyahay sida loo kala degan yahay loona kala badan yahay qaabkaas wax looguma qaybin ee waxaa wax lagu qaybiyey, sida loo kala xasarad badan yahay, loo kala qaylo badan yahay.

Haddaba weydiintu waxay tahay, Yaa dulman oo dowladdu duudsiday ? Yaase dilqey oo dowladdu u diiqdey?

Inta dadka Soomaaliyeed qolona loo sed burinayo, qolona la Sed seejinayo ee aan dadku sinnaan wax u wadaagin, ha sugin in dalka iyo dadku horumar iyo dowladnimadu ku talaabsadaan.

Ha sugi waayin in dalkeennu burbur kale ku noqdo, qolo weliba ay noqoto qabiil gaarkiisa u dowladeysan, haddaan sidan wax iska beddelin.

Ha qiiroonin, hana qaracmin, hays qaroofin ee u dhabogal xaqiiqada jirta, maxaa halka aan maanta naal na dhigey is weydii, haddaad hesho jawaabtu kugu filan, haddaadse garan weydo toban sanno kaddib hay odhan dalkuu habaarey ama sixiroow buu ahaa.

Halkan ka gal mareegta aan ka soo xigtey, xogtan

http://somaliaaidflows.so

Cabdiraxiin Hilowle Galayr.

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s