Shiiykh Nuur Baaruud Oo U Hanjabay Xildhibaanada.

Shiiykh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah wadaado taageersan dowladda Soomaaliya ayaa hanjabaad culus u jèediyay xildhibaanno u sheegay inay qoddaan mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaare Xassan Cali KHayre.

Sheekh Nuur Baaruud oo habeen hore ka hadlayay munaasabad ka dhacday Xarunta Jen. Kaahiye ayaa sheegay in aanay aqbali doonin mooshin dambe.

“Diyaar uma nihin mooshin dambe, dadka waxay ku sheekeystaan cadaw ayaa soo abaabulay, waxaa u sheegeynaa, Illaahey magaciisa ayaan ku dhaartaye maalinta waxaas aan aragno aniga iyo Shacabka Soomaaliyeed iyo intii ila qabta fikirkaas inaan ugu galeyno meelaha ay joogaan oo aan dilayno”ayuu yiri Shiiykh Nuur Baaruud.

Inkastoo aan wali Baarlamaanka la horkeenin wax mooshin ah, hadana Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa tuhun ka qaba guux ka dhex jira Baarlamaanka gudihiisa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xukuumadda ay wado barnaamij kicin bulsho oo ay ugu dan leedahay inay kaga hor-tagto hadii Mooshin uu kaga yimaado Baarlamaanka, waxaana durbaba laga dareemay xafladaha qaar oo khudbadaha ay jeedinayaan qeybaha bulshada ay ku soo hadal qaadayana arrinta mooshinka iyo sida ay u diidan yihiin.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa dhowaan sheegay in aanu jirin mooshin la wado xilligan, hase ahaatee ay dhici karto.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xilligan laga keeni karin wax mooshin ah, maadaama ay afar bilood jirto, sida uu qabo Dastuurka waxaa Mooshin laga keeni karaa muddo lix bilood kaddib, marka ay codka kalsoonida ka hesho baarlamaanka. 

Shiiykh Nuur Baaruud ayaa hore u gaalaysiiyay dowladdii u madaxwaynaha ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmad, sidoo kale wuxuu sheegay inaan dumarku siyaasada Soomaaliya ka qaybgeli karin.

Sirqarsoon@gmail.com 

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s